Cabdullaahi Xasan Yacquub — 17
2:106 106. Aayad kastoo aan nasakhno ama aan sababno in la illaabo, waxaan keennaa mid ka khayr badan ama la mid ah. Miyaadan ogeyn inuu Alle wax walba Karo?
2:107 107. Miyaadan ogeyn in Alle leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, oo aydaan lahayn Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
2:108 108. Mise ma waxaad rabtaan inaad su'aalo hor dhigtaan [21] Rasuulkiinna sidii Muuse horey loo su'aalay. Qofkiina qaataa iimaan darro halkii Iimaanka, wuxuu ka lumay jidka toosan.
2:109 109. In badan oo ka mid ah ehlul Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay jecel yihiin inay dib idiinku soo ceshaan gaalnimo Iimaankiinna kaddib, xasad ay idiin qabaan darteed, kaddib markuu u caddaaday Xaqa. Ee iska cafiya oo iska dhaafa, ilaa inta Alle uu ka keeno Amarkiisa. Alle wax walba wuu Karaa.
2:110 110. Ooga Salaadda, bixiyana Zakada, wax waliboo khayr ahna aad u hormarisaan nafahiinna, Waxaad ka heli Alle agtii. Hubaal Alle waxaad fashaan wuu Arkaa.
2:111 111. Waxay (Yuhuudda iyo Nasaarada) yidhaahdaan: Qofna ma galo Jannada aan aheyn mid ah Yuhuud ama Nasaaro. taasi waa hididdiiladooda maran [22]. Dheh: Keena caddayntiinna haddaad run sheegaysaan.
2:112 112. Haayoo! Qofkii isu dhiiba isagoo wada dhan Alle oo isagu sama fale ah (raaca dowga Nabi Muxammad s.c.w.), wuxuu ka heleyaa abaalgudkiisa (ah Janno) xagga Rabbigiis, mana ahaaneyso cabsi dushooda (xagga waxa soo socda ee arrinka Aakhirada) mana ka murugoodaan (waxa ku seega adduunka).