Cabdullaahi Xasan Yacquub — 169
7:150 150. Markuu Muuse ku soo noqday qolodiisii isagoo cadhaysan oo walbahaar-san buu yidhi: Xumaa waxaad fasheen kaddib (tagisteydii). Ma waxaad ka degdegsasteen amarka Rabbigiin?Wuxuuna tuuray looxyadii, oo soo qabtay madaxa walaalki isagoo u soo jiidaya xaggiisa. (Haaruun) wuxuu yidhi: Ina hooyoow! Qolodani waxay ii arkeen daciif, waana I dili gaareen, ee ha igu farax gelin cadowga, hana igala mid dhigin qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
7:151 151. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii denbi dhaaf aniga iyo walaalkay, oo na gali Naxariistaada, Adigaa U Naxariis Badan inta naxariisata.
7:152 152. Xaqiiq, kuwii yeeshay dibiga (ilaah ahaan) Cadho xagga Rabbigood ah iyo dulli baa noloshan adduunka ku dhici.Sidaasaan ku abaal marinnaa been abuurtayaasha.
7:153 153. Kuwase fala camallo xun markaas tawbad keena intaas kaddib, oo rumeeya (raacana xaqa), Rabbigaa intaas kaddib waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
7:154 154. Markay Muuse Cadhadii ka degtay, wuxuu soo qaatay looxyadii, waxaana ku qornaa wax hanuun iyo naxariis u ah kuwa Rabbigood ka cabsada.
7:155 155. Wuxuu ka doortay Muuse qolodiisii toddobaatan nin ballankayaga dartiis, markuuse qabtay dhul gariir daran, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Haddaad doonto, Waxaad halaagi laheyd iyaga awal hore iyo anigaba; ma waxaad noo halaageysaa waxa kuwa maan gaabka ah ee nagu jira ay faleen? Wax kale maahee waa oo keliya jarribaaddaada aad ku habaabiso qofkaad doonto, uguna sugtid hanuunsanaanta qofkaad doonto. Adigaa ah Gargaarahayaga, ee noo denbi dhaaf noona naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta denbi dhaafta.