>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 168

7:144 144. (Alle) wuxuu yidhi: Muusow! Waxaan kaa doortay dadka (waqtigan si aad u qaaddo) Farriimaheyga aan kula soo diray iyo Hadalkeyga ee qaado waxaan ku siiyey oo ka mid ahow kuwa (ku) mahdiya (Alle).

7:145 145. Waxaan ugu qornay alwaaxda wacdi la xiriira wax kasta iyo faah faahinta waxyaalaha oo dhan ee ku qaado si sugnaansho leh, amarna qolodaada inay qaataan kan ugu wanaagsan. Waxaan idin tusi daarta caasiyaasha.

7:146 146. Waxaan ka duwi Aayadahayga kuwa isku kibriya arlada xaq darro; hadday arkaan calaamo kasta ma rumeynayaan. Hadday arkaan jidka hanuunka (Islaamka) kama yeeshaan jid, haddayse arkaan jidka habowga waxay ka yeeshaan jid, arrinkani waxaa ugu wacan waxay beeniyeen Aayadahayaga, oo ahaayeen kuwo ka dhoohan.

7:147 147. Kuwa beeniya Aayadahayaga iyo la kulanka Aakhirada (Maalinta Dambe- Qiyaamada), waxaa buray acmaashooda. Miyaa laga abaal marin waxaan aheyn waxay falayeen?

7:148 148. Waxay ka yeesheen qolodii Muuse markuu ka soo tagey kaddib (si uu wada hadal ula yeesho Rabbigi, waxay ka yeesheen) dahabkoodii dibi qolof ah leh cod beynaax ah 'ay caabudaan' [6]. Miyaanay arkaynin inaanu la hadleyn, kuna toosineynin jid? Wayse yeesheen (si ay u caabudaan) waxayna ahaayeen daalimiin.

7:149 149. Markay ka shallaayeen oo ay arkeen inay lumeen ayey (tawbad keeneen oo) yidhaahdeen: Haddaanu Rabbigayo noo naxariisan oo noo denbi dhaafin, waxaanu ka mid noqon kuwa khasaaray.