>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 167

7:138 138. Waxaana ka yeelnay Ilmahii Israa’iil inay ka tillaabbaan (si nabad ah) badda, markaasay waxay ku yimaadeen dad dul yuurarsan sanammadooda (oo caabudaya). Waxay yidhahadeen: Muusow! Noo yeel ilaah innagana siday iyaguba u leeyihiin ilaahyo. Wuxuu (Muuse) yidhi: Waxaad tihiin qolo jaahiliin ah [4].

7:139 139. Hubaal, kuwani (gaalada ahi) waxay ku sugan yihiin waa baabbi’i, waana baadil waxay falayaan.

7:140 140. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaan idiin doonaa ilaah kale aan aheyn Alle, isagoo idinka faddilay caalamka.

7:141 141. Xusuusta markaan idinka samata bixinnay reer Fircoon ee idin dhadhansii- yey cadaab daran, iyagoo dilayey wiilashiin- na, oo u deynayey haweenkiinna nolol (si ay ugu adeegtaan). Arrinkaana waxaa ku sugnaa imtixaan weyn xagga Rabbigiin ah.

7:142 142. Waxaan la ballannay Muuse muddo soddon habeen ah, kuna taam yeelnay inaan ku darno toban dheeri ah, marka muddada ballanka Rabbigi waxay ahayd afartan habeen oo buuxda. Muuse wuxuu ku yidhi walaalki Haaruun: "Qabo xilkeyga qolodeyda dhexdood intaan maqnahay , u dhaqan si wanaagsan, hana raacin jidka kuwa wax fasahaadsha".

7:143 143. Markuu u yimid Muuse ballankayagii oo Rabbigi la hadlay, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iskay tus aan ku eegee. (Alle) Wuxuu yidhi: Ima arki kareysid (adduunka oo ma awooddid), laakiinse eeg buurta, hadday ku sugnaato meesheeda markaas ayaad i arki. Markiise uu Rabbigi isu muujiyey buurtii [5], wuxuu ka yeelay burbur, Muusena dhulkuu ugu dhacay suuxdin. Markuu soo miyirsaday wuxuu yidhi: Xurmo oo dhan Adigaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan), waan kuu tawbad keenay (Allow), waxaana ahay kan ugu horreeya mu'miniinta.