Cabdullaahi Xasan Yacquub — 165
7:121 121. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumeynay Rabbiga caalamka.
7:122 122. Rabbiga Muuse iyo Haaruun.
7:123 123. Fircoon wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyseen ka hor intaan idiin idmin? Arrinkani waa tab aad ku soo degteen si qarsoodi ah magaalada si aad uga saartaan dadkeeda, waadse ogaan doontaan.
7:124 124. Waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna is dhaaf, waana idin wada dal-dali dhammaantiin.
7:125 125. Waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu u noqon xagga (Alle) Rabbigayo.
7:126 126. Ma jiro waxaad nagu naceyso aan ahayn inaan rumeynay Calaamooyinka Rabbigayo markay noo yimaadeen! Rabbigayow! Nagu shub samir oo na oofso innagoo kuu hoggaansan Muslimiin ah.
7:127 127. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodii Fircoon waxay yidhaahdeen: Ma waxaad u deynaysaa Muuse iyo qolodiisa inay fasahaadiyaan arlada, oo ka tagaan adiga iyo ilaahyadaadaba? (Fircoon) wuxuu yidhi: Waxaan dili wiilashooda, oo deysan haweenkooda (si ay noogu adeegaan oo u addoonsanno), waxaanu nahay kuwa ka sarreeya oo maquuniya.
7:128 128. Muuse wuxuu ku yidhi qolodiisii: Ka barya kaalmo Alle oo samra, arlada waxaa iska leh Alle, Wuxuu dhaxalsiiyaa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, cidhibta (sanna) waxaa iska leh kuwa iska jira (xumaha oo ku dhaqma diinta Alle).
7:129 129. Waxay yidhaahdeen: Waxaa na soo gaaray dhibaatooyin ka hor intaad noo imaan iyo kaddib intaad noo timidba. Wuxuu yidhi: Waa intaasoo uu Rabbigiin halligo cadowgiinna oo idiinka yeelo madax arlada, markaas wuxuu eegi sida aad u dhaqantaan.
7:130 130. Waxaana ku qabannay reer Fircoon abaaro iyo mirahoo ka yaraada bal inay waansamaan.