Cabdullaahi Xasan Yacquub — 164
7:105 105. Waxaan mudanahay inaan ka sheegin Alle waxaan Xaq ahayn. Waxaan idiinka la imid Xujo Cad xagga Rabbigiin. Ee igu dar ha ila tageene ilmaha Israa’iil.
7:106 106. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haddaad la timid Calaamo (mucjiso), keen haddaad run sheegayso.
7:107 107. Markaasuu (Muuse) wuxuu tuuray ushiisii mise! Waa mas cad (muuqda).
7:108 108. Wuxuu u soo saaray debedda gacantiisa, mise! Waa caddahay (oo u ifeysey) eegayaasha.
7:109 109. Waxay xildhibaannadii ka mid ahaa qolodii Fircoon yidhaahdeen: Kani waa sixiroole xeel dheer.
7:110 110. Wuxuu rabaa inuu idinka saaro dhulkiinna, ee maxaad ku talineysaan?
7:111 111. Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig (xaalkiisa) isaga iyo walaalkiba (in muddo ah) oo u dir ergooyin xagga magaalooyinka.
7:112 112. Kuu keena saaxir kasta oo xeel dheer.
7:113 113. Sixiroolayaashii waxay u yimaadeen Fircoon (oo) yidhaahdeen: Ma leennahay ujro haddaan innagu adkaanno?.
7:114 114. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haa yoo, waxaadna ahaaneysaan kuwa la ii soo dhoweeyo.
7:115 115. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Ma adigaa (hor) tuuran mise innagaa ahaanna kuwa (hor) tuurta?
7:116 116. (Muuse) wuxuu yidhi: Tuurta. Markay tuureen, waxay sixreen indhihii dadka oo argagax geliyeen, waxayna la yimaadeen sixir weyn.
7:117 117. Waxaana u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Tuur ushaada. Mise! waxay liqliqday isla markiiba waxay been dhoobdhoobeen oo ay soo bandhigeen.
7:118 118. Marka xaqii baa sugnaaday, oo baabba' waxaa noqday waxay falayeen.
7:119 119. Sidaasaa (Fircoon iyo dadkiisii) looga adkaaday halkaa, oo ay noqdeen kuwo la jabiyey.
7:120 120. Sixiroolayaashiina ula dhaceen (dhulka) sujuud (xagga Alle).