>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 163

7:96 96. Hadday dadka magaalooyinka (Xaqa) rumeeyaan oo iska jiraan (shirkiga iyo xumaha kale), waxaan uga soo furi laheyn barakooyin samada iyo arlada, wayse beeniyeen, markaasaan qabannay waxay kasban jireen darteed (oo denbiyo ah).

7:97 97. Ee ma waxay reer magaaluhu aamin ka yihiin Ciqaabkayaga inuu u yimaado habeennimo iyagoo hurda?

7:98 98. Ma waxay reer magaaluhu aamin ka yihiin Ciqaabkayaga inuu u yimaado goor barqo ah iyagoo iska cayaaraya?

7:99 99. Ma waxay aamin ka yihiin Tabta Alle, cidise ma dareento inay ka yihiin aamin Tabta Alle aan aheyn kuwa khasaaray.

7:100 100. Ma waysan u caddaanin kuwa dhaxla dhulka dadkeedii (hore) ee lahaa kaddib, in haddaan doonno, aan u qaban denbiyadooda? Waxaanuna yeeli shaabbad daboosha quluubtooda sidaa darteed ayna wax maqlayn.

7:101 101. Magaalooyinkan, waxaan kuu soo tebinnaa wararkoodii, waxayna Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, mase aheyn kuwo rumeynaya waxay horey u beeniyeen. Sidaasuu Alle u yeelaa shaabbad daboosha quluubta gaalada.

7:102 102. Ma aanu ka helin badankooda (daacadnimo iyo dhowris ) ballan, waxaan hellay badankood iyagoo ah caasiyaal.

7:103 103. Markaasaan iyaga kaddib la soo dirnay Muuse Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, wayse diideen inay rumeeyaan oo dulmiyeen. Ee eeg siday aheyd cidhibta kuwa wax fasahaadsha.

7:104 104. Muuse wuxuu yidhi: Fircoonow! Anigu waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga Caalamka.