>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 158

7:58 58. Dhulka wanaagsani naqiisa wuxuu ku soo baxaa (si fudud oo badan) Idanka Rabbigiis, midkase xun (daaqiisu) kuma soo baxo waxaan dhib ahayn. Sidaasaan ugu caddeynaa Aayadaha ciddii shukrin.

7:59 59. Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux tolkiisii markaasuu wuxuu yidhi: Tolkaygiyow! Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah (xaq ah) aan Isaga ahayn. Waxaan anigu idiinka cabsan Cadaab Maalin daran.

7:60 60. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: waxaan kugu aragnaa inaad ku sugan tahay habow cad.

7:61 61. (Nuux) wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Kuma sugni habow, waxaanse ahay Rasuul ka socda Rabbiga uumanka.

7:62 62. Waxaan idin soo gaarsiiyaa Farriimaha Rabbigay, waana idiin naseexeyn, waxaana ka ogahay xagga Alle waxaydaan ogayn.

7:63 63. Ma waxaad la yaabteen inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin uu soo faray nin idinka mid ahi, si uu idiinku digo, iyo inaad ka dhowrsataan (shirkiga iyo xumaha kale), si la idiinku naxariisto.

7:64 64. Wayse beeniyeen, markaasaan badbaadinnay isaga iyo kuwii kula jiray Doonnida, oo harqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Hubaal waxay ahaayeen qolo indha la’ (aan Xaqa arag).

7:65 65. (Waxaan u dirnay) Caadna walaalkood Huud, Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Ma waydaan Alle ka cabsaneyn (oo iska jireyn xumaha).

7:66 66. Xildhibaannadii gaaloobay oo ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu kugu aragnaa caqli xumo, waxaana kuu maleynaynaa inaad ka mid tahay beenalayaasha.

7:67 67. Wuxuu yidhi: Tolkaygiyow! Ima heyso caqli xumo, waxaanse ahay Rasuul ka socda Rabbiga uumanka.