>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 156

7:44 44. Oo ehlu jannuhu waxay u dhawaaqi ehlu Naarka: Waanu hellay wuxuu noo ballan qaaday Rabbigayo oo xaq ah; ee idinkuna ma hesheen wuxuu Rabbigiin idiin ballan qaaday oo xaq ah? Waxay odhan: Haah. Markaas dhawaaqe baa ka dhawaaqi dhexdooda: in Lacnadda Alle ay dushooda tahay daalimiinta (gar diidka).

7:45 45. Kuwa ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle (Islaamka), ee doona inay ka dhigaan mid qalloocan, ahna kuwo aan Aakhiro rumeysneyn.

7:46 46. Dhexdooda waxaa ahaan xijaab, meelaha sarena waxaa ahaan rag ku garanaya cid kasta astaamahooda, waxay u dhawaaqina ehlu Jannaha: Nabad korkiinna ha ahaato, waqtigaana iyagu (kuwa ku sugan meelaha sare - Al acraaf) weli ma ay gelin (Jannada), inkastoo damac ka hayo.

7:47 47. Markase loo jeediyo indhahooda xagga ehlu Naarka, waxay odhan: Rabbigayow! Ha naga mid dhigin qoloda daalimiinta ah.

7:48 48. Qoladii ku sugnaa Al Acraaf (taagga sare) waxay u dhawaaqi rag ay ku garan astaamahooda iyagoo ku odhan: Waxba idiin ma ay tarin urursigiinnii maalka, iyo iska weyneyntiinnii (Xaqa).

7:49 49. Ma kuwani baa kuwa aad dhaar ku marteen, in aanu Alle ku galladeysaneyn Naxariis dushooda? Gala Jannada, (ehlu acraafow) ma aha cabsi dushiinna, mana murugooneysaan.

7:50 50. Ehlu Naarku waxay u dhawaaqi ehlu Jannaha (oo ku odhan): Noogu soo deeqa biyo ama wuxuu Alle idinku irsaaqay. Waxay odhan: Alle wuu ka xarrimay gaalada.

7:51 51. Kuwa ka yeesha diintooda madaddaalo iyo dheel ay hoddayna noloshan adduunku. Marka maanta waanu hilmaami (uga tegi Naarta) siday u hilmaameen la kulankooda Maalintooda tani iyo siday Aayadahayaga u dafiri jireen.