Cabdullaahi Xasan Yacquub — 153
7:23 23. Waxay (Aadam iyo Xawwaa) yidhaahdeen: Rabbigayow! Waxaan dulminnay nafahayaga, haddaadan noo denbi dhaafin, oo aad noo Naxariisan, waxaan ahaaneynaa kuwo khasaaray.
7:24 24. (Alle) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannada), idinkoo cadow isu ah. Waxaana idiinku sugan dhulka degaan iyo sahay ilaa muddo.
7:25 25. Wuxuu (sidoo kale Alle) yidhi: Halkaas (arlada) ayaad ku noolaan, oo gudaheed ayaad ku dhiman, xaggeedaana la idinka soo bixin (Qiyaamaha).
7:26 26. Ilma Aadamow! Waxaan idiin soo dejinnay dhar astura cowradiinna iyo dhar xarrago, dharkase dhowrsashada, kaas baa khayr roon. Kuwani waxay ka mid yihiin Aayadaha Alle, bal inay xusuustaan.
7:27 27. Ilma Aadamow! Yuusan idin fidnayn shaydaanku, siduuba uga soo saaray labadiinnii waalid Jannada, isagoo ka siibaya dharkooda, si uu u qaawiyo oo u tuso cowradooda. Wuu idin arkaa isaga iyo qabiiladiisuba, idinkuse ma aragtaan. Waxaan Annagu uga dhignay shaydaadiin- ta sokeeye kuwa aan (Xaqa) rumeyn.
7:28 28. Markay falaan xumaan waxay yidhaahdaan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo falaya (waxa)kani, Alle baana nagu amray. Dheh: Alle ma amro xumaan. Ma waxaad ka sheegeysaan Alle waxaydaan cilmi u lahayn?
7:29 29. Dheh: Wuxuu Rabbigay amray caddaalad, una jeediya wejiyadiinna (qibladda, Kacbada Makkah ku taal markaad tukaneysaan) masjid kasta gudahi, baryana (Alle) idinkoo u keli iyo gaar yeelaya cibaadada. Siduu ifka idinku keenay billowgii hore yaad u soo noqoneysaan.
7:30 30. Koox wuu hanuunshay, koox (kalena) habow baa xaq ugu dhaboobay; waayo waxay ka yeesheen sheydaammada sokeeyeeyaal halkii Alle, waxayna isu heystaan inay hanuunsan yihiin.