>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 152

7:12 12. (Alle) wuxuu yidhi: Maxaa kuu diiday inaad sujuuddo markaan ku amray? (Ibliis) wuxuu yidhi: Anaa ka wanaaagsan, Waxaad iga abuurtay dab, halka aad isaga (Aadam) ka abuurtay dhoobo.

7:13 13. (Alle) wuxuu yidhi: Ka deg xaggeeda (Jannada), waayo ma lihid inaad isku dhex kibriso halkan. Ka bax (Jannada), waxaad ka mid tahay kuwa dulleysan.

7:14 14. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Ii sug oo i sii fursad ilaa maalinta marka la soo bixinayo.

7:15 15. (Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la sugi ee la siiyey fursadda (ilaa Qiyaamaha).

7:16 16. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Sidaad u sababtay inaan lumo darteed, Waxaan aniguna u fadhiisan (aadmiga) Jidkaaga Toosan.

7:17 17. Waxaana kaga iman hortooda iyo gadaashooda, iyo xagga midigtooda iyo xagga bidixdoodaba, mana heleysid badankood oo mahad naqi.

7:18 18. (Alle) wuxuu yidhi: Ka bax (Jannada) adigoo dulleysan oo dayro ah, qofkii ka mid ah oo ku raaca, waxaan idinka wada buuxin Jahannama dhammaantiin.

7:19 19. Aadamow! Dega adiga iyo xaaskaaga Jannada gudaheed, oo wax ka cuna meeshaad doontaan, hase u dhowaannina geedkan, haddii kale waxaad labadiinnuba ahaaneysaan kuwo gefay.

7:20 20. Ha yeeshee shaydaanka baa si hoos ah wax ugu sheegay, si uu ugu muujiyo waxa laga qariyey oo cowradooda ah; wuxuuna yidhi: Idiinkama reebin Rabbigiin geedkan waxaan ahayn inaydaan noqon labo malag ama inaydaan ka mid noqon kuwa waadha.

7:21 21. (Alle) buu ugu dhaartay (isagoo leh): Waxaan anigu wallee idiin ahay daacad.

7:22 22. Markaasuu ku dhiirra geliyey (cunista geedka) oo ku hoday: markay dhadhansheen geedka, waxaa u muuqday cowradooda, waxayna isla markiiba billaabeen inay ku dhejiyaan (asturaan) nafahooda caleemaha Jannada; Rabbigood baana u yeedhay: Miyaanan idinka reebin geedkaa oo idiin sheegin in Shaydaanku idiin yahay cadow iska cad?