>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 147

6:143 143. Siddeed lammaane ah; labo ido ah iyo labo riyo ah. Dheh: Ma labada labka ah buu xaaraameeyey mise labada dheddig, mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Ii sheega si cilmi ah haddaad run sheegaysaan.

6:144 144. Geelana labo (lab iyo dheddig) lo’dana labo (lab iyo dheddig). Dheh: Ma wuxuu xaaraameeyey labada labka ah mise labada dheddig; mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Mise goob joog baad ahaydeen markuu Alle idin amray arrinkani? Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle, si uu dadka u lumiyo cilmi la’aan? Hubaal Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).

6:145 145.Dheh:Kuma hayo waxa la ii waxyooday wax ka xaaraan ah cunaa inuu cuno inuu yahay maahee baqti ama dhiig horay u soo butaaca (gowrac darti iyo wax la mid ah), ama hilib doofaar, waayo waa fadaro, ama taasi ah caasiyoobid ee wax kale aan aheyn (Magaca) Alle lagu xusay dusheeda (markii la gowracayey), qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanay rabitaan ka aheyn, aan xad gudbeynna, hubaal Rabbigaa waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

6:146 146. Kuwa heysta (diinta) Yuhuudi- yadda waxaan ka xarrimnay (neef) kasta oo ciddi leh [11], xagga lo'da iyo adhiga waxaan ka xarrimnay buruurtooda wax Maahee ku dhegay dhabarradooda ama xiidmahooda ama ku dheehmay laf. Sidaas waxay ahayd ciqaab aan ku abaal marinnay dulmigoodii dartiis, run baana sheegaynaa.