>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 146

6:138 138. Waxay yidhaahdeen: Kuwani waa xoolo iyo beer reebban, aysan wax ka cuneyn ciddaan doonno maahee – sidaas bay ku andacoodaan - iyo xoolo la xarrimay dhabarradooda iyo xoolo aan lagu xusin Magaca Alle - iyagoo ku been abuuranaya. Wuu ka jaazeyn waxay been abuurteen darteed.

6:139 139. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Waxa ku jira uurarka xoolahan (caano ama ilmo) waxaa gaar u leh labkayaga keliya, waana ka xaaraan xaasaskayaga, hadduu baqti yahayna, way wadaagaan dhammaantood. Wuu ka goyn waxay been u nisbeeyeen (Alle). Hubaal, Alle Waa Xakiim Fal iyo Odhaah san, wax kasta Ogsoon.

6:140 140. Waxaa khasaara dhab ah ku sugan kuwa u dilay carruurtooda caqli xumo aqoon la’aan darteed [10], xaaraameeyana waxa Alle uu siiyey, iyagoo ku been abuuranaya Alle. Way lumeen, mana aha kuwo hanuunsan.

6:141 141. (Alle) waa Kan soo saara beero (canab ah) dhis leh iyo kuwo aan dhis lahayn, iyo geedo timir, iyo sarac leh miro muuqaal iyo dhadhan kala duwan, iyo zaytuun, iyo rummaan, isu eg (nooc ahaan) kuse kala duwan (dhadhan ahaan), Wax ka cuna midhahiisa markay soo saaraan midho, bixiyana xaqa lagu leeyahay maalinta goyntiisa, hana xad dhaafina, Alle ma jecla kuwa xad dhaafa.

6:142 142. Waxaa ka mid ah xoolaha (uu Alle abuuray qaar) xummuul qaada iyo kuwo u suubbada in la qasho oo keliya. Wax ka cuna waxa Alle idin siiyey, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad.