Cabdullaahi Xasan Yacquub — 145
6:131 131. Sidaasi waa inaan Rabbigaa ku halligeyn magaalooyinka gar darro iyagoo dadkooda war la’ yihiin (aan loo digin).
6:132 132. Dhammaan waxay leeyihiin derejooyin (heerar) waafaqsan waxay camal falaan. Rabbigaa ma mooga waxay camal falaan.
6:133 133. Rabbigaa (Alle) waa Hodan (ka deeqtoon wax waliba) Naxariis leh, hadduu doono wuu idin baabbi’in, idinkuna beddeli gadaashiin cidduu doono. Siduu awalba idiinka soo saaray firka qolo kale.
6:134 134. Xaqiiq waxa la idiinku gooddiyo waa imaan, (Alle) kama baxsan kartaan.
6:135 135. Dheh: Dadkaygiyow! Camal fala intii karaankiinna ah, Aniguna sidoo kale waan camal faliye, waadse ogaan doontaan keennee lahaan doona cidhibta (wanaagsan) daarta (Aakhiro). Hubaal ma liibaanaan daalimiinta.
6:136 136. Waxay qayb u yeelaan Alle [9], ka mid ah waxa uu abuuray ee beero iyo xoolo ah, oo yidhaahdaan: Kan waxaa iska leh Alle - sidaas bay ku andacoodaan, kanna waxaa iska leh sanamyadayada la wadaaga cibaadada. Marka waxay leeyihiin sanamayadooda ma gaaraan Alle, waxase (qayb ahaan loo yeelay) Alle wuxuu gaaraa sanamyadooda! Xumaa waxay xukumaan.
6:137 137. Sidaasay (ilaahyadooda beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada (Alle) ugu qurxiyeen in badan oo mushrikiinta ah dilka carruurtooda, si ay u halligaan oo uga khaldaan camalkooda. Hadduu Alle doono, ma ay fali lahayn, ee isu dhaaf iyaga iyo waxay been abuuraan.