>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 144

6:125 125. Qofkii uu Alle rabo inuu hanuuniyo, wuxuu u waasiciyaa laabtiisa Islaamka, qofkiise uu rabo inuu lumiyo wuxuu ka yeelaa laabtiisa cidhiidhi dhibboon sida isagoo kor ugu baxaya xagga samada. Sidaasuu Alle dusha uga saaraa fadarada kuwa aan (Xaqa) rumayn.

6:126 126. Kani waa Jidka Rabbigaa ee toosan. Waxaan uga yeelnay Aayadaha caddaan ciddii xusuusan oo ku waantoobi.

6:127 127. Waxay leeyihiin Daarta Nabadda (Jannada) Rabbigood agtiis ah, Isagaa ah Gargaarahood waxay camal san falayeen darteed.

6:128 128. Maalinta uu soo kulmin dhammaan (kuna dhihi): Kulanka jinkow! Waxaad badsateen (luminta) in badan oo dadka ah. Saaxiibbadoodii ka mid ahaa dadka waxay odhan: Rabbiyow! Wuxuu ku dan gaaray qaarkayoba qaarka kale, waxaana gaarnay muddadayada aad noo goysay. Wuxuu odhan: Naartaa hoygiinna ah aad ku dhex waaraysaan, wuxuu Alle doono mooyee. Hubaal Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon.

6:129 129. Sidaasaan ugu salladnaa daalimiinta qaarkoodba qaarka kale, waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah).

6:130 130. Kulanka jinka iyo dadkow! Miyaanay idiin imaan Rusul idinka mid ah, idiin soo tebinaya Aayadahayga idiinkana digaya la kulanka maalintiinnaan? Waxay odhan: Waxaan ku marag furaynaa nafahayaga. Waxaana hodday noloshan adduunka. Waxay ku marag furi nafahooda inay ahaayeen Xaq diid (gaalo).