Cabdullaahi Xasan Yacquub — 141
6:102 102. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Abuuraha wax kasta, ee caabuda Keligii, Isagaa wax kasta u wakiil ah (ilaaliya).
6:103 103. Ma koobi karaan (Alle) aragga indhuhu, Isaguse wuu koobaa Arag walba [6]. Waana Roonaan Badanaha, Xog ogaalka ah.
6:104 104. Waxaa idiinka yimid tusmooyin xagga Rabbigiin, ee qofkii arkaa (ku hanuuna), naftiisay dan u tahay, qofkiise ka indho la'aada isagay u daran tahay, aniguna ma ahi mid korkiinna ilaaliye ka ah.
6:105 105. Sidaasaannu ugu celcelinnaa Aayadaha inay yidhaahdaan: Waad soo baratay, iyo inaan u caddeyno arrinka ciddii garasho leh.
6:106 106. Raac waxa lagaaga soo waxyooday xagga (Alle) Rabbigaa, ma jiro Ilaah aan Isaga ahayn, isagana jeeso mushrikiinta.
6:107 107. Hadduu doono Alle, uma ay shariig yeeleen cidna, ma aanu kaaga dhigin korkooda ilaaliye, kamana tihid wakiil.
6:108 108. Ha caayina kuwaa ay baryaan (caabudaan) Alle sokadi (waa asnaamta), si aysan (gaaladu) iyagoo xadgudbaya markaa u caayin Alle jahli darti. Sidaasaan ugu qurxinnay ummad walba camalkeeda (khayr ama shar midkay doortaan); markaas waa xagga Rabbigood meel noqodkoodu, wuxuuna u sheegi waxay fali jireen.
6:109 109. Waxay ku dhaartaan Alle midka ugu culus dhaarahooda in hadday u timaaddo calaamo (mucjiso) ay rumaynayaan [7]. Dheh: Calaamooyinka sideedaba waxay uun la jiraan oo haya Alle, maxaase idin ogeysiinaya markay (mucjiso) u timaaddo inayan rumayneyn?
6:110 110. Waxaanu rogi quluubtooda iyo aragyadooda, siday iyaguba aanay u rumeyn kolkii hore, waxaanuna uga tegi xad gudubkooda ay ku jaha wareersanaan indha la’aan.