>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 14

2:89 89. Markuu uga yimid (Yuhuudi) Kitaab (Qur’aan) xagga Alle rumeynaya waxay haystaan (Towraadda), iyagoo ka hor ay baryi jireen guul laga siiyo gaalada mushrikiinta ah, markuu u yimid (Nabi) ay garteen bay rumayn diideen. Ee naclad Alle dushooda ha ahaato gaalada.

2:90 90. Xumaa waxay ku gateen nafahooda, inay ku gaaloobaan waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah xasad darti in Alle uu ku soo dejiyo Fadligiisa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Marka waxay muteysteen cadho loo geeyey cadho [19]. Gaaladu waxay leeyihiin cadaab dulleysa.

2:91 91. Marka lagu yidhaahdo, Rumeeya waxa Alle soo dejiyey (Qur’aanka), waxay yidhaahdaan: Waxaanu rumeysannahay waxa naloo soo dejiyey (Towraadda). Waxayna beeniyaan waxa la barbar ah (sida Qur’aanka), isagoo xaq ah rumeyn waxay haystaan (oo Kitaab ah). Dheh: Maxaad haddaba u disheen Anbiyadii Alle kal hore, haddaad tihiin mu’miniin?

2:92 92. Wuxuu dhab ahaan Muuse idiin la yimid xujooyin cad, markaasaad ka dhigateen dibi (ilaah ahaan) maqnaashahiisii, waxaadna tihiin daalimiin.

2:93 93. (Xusuusta) markaan idinla galnay ballan, oo kor u qaadnay Buurta dushiinna: Xagsada waxaanu idin siinnay (Towraadda) si sugnaan leh oo ahaada daacad wax maqla. Waxay yidhaahdeen:Waan maqallay waana caasinnay. Waxaana laga waraabiyey Quluubtooda (jaceylkii) dibiga (ay caabudeen) gaalnimadooda darteed. Dheh: Xumaa wuxuu iimaankiinnu idinku amro haddaad tihiin mu’miniin.