>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 138

6:82 82. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo aan ku dheehin Iimaankooda dulmi (shirki ama danbi kale oo weyn), waa kuwaas kuwa uu u sugnaan amnigu, waana iyaga kuwa hanuunsan.

6:83 83. Taasi waa xujadayada aan ka siinnay Ibraahiim qolodiisii. Waxaan kor u qaadnaa darajooyin ciddaan doonno. Hubaal Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon.

6:84 84. Waxaana ku galladeysannay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana Waanu hanuuninnay, Nuuxna waanu hanuuninnay kal hore, waxaana ka mid ah ubadkiisa; Daawuud, Sulaymaan, Ayyuub, Yuusuf, Muuse iyo Haaruun. Sidaasaana u abaal marinnaa samo falayaasha.

6:85 85. Iyo Zakariya, Yaxyaa, Ciise iyo Ilyaas, mid walbaa wuxuu ka mid yahay kuwa wanaagsan.

6:86 86. Iyo Ismaaciil, Al-Yasac, Yuunus iyo Luud, mid walbaa oo ka mid ahi waan ka faddilnay uumanka (waqtigoodii).

6:87 87. Iyo sidoo kale qaar ka mid ah aabbayaashood iyo ubadkooda iyo walaalahood - waan doorannay, oo ku hanuuninnay Jid Toosan (Islaamka).

6:88 88. Kaasi waa hanuunka Alle uu ku hanuuniyo qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Hadday la wadaajin lahaayeenna Alle cibaadada cid kale, waxaa ka buri lahaa waxay camal san faleen.

6:89 89. Kuwaa waa kuwa aan siinnay Kitaabka, Xukunka iyo Nabinnimada. Hadday kuwani rumeyn diidaan, waxaan u xil saarnay qolo aan Xaqa diidin (Muslimiinta).

6:90 90. Kuwaa (Nabiyada) weeye kuwa uu Alle hanuuniyey, ee raac hanuunkooda. Dheh: Idinkuma weydiisto kani (Qur’aanka) wax abaalgud ah. Wax kalena ma aha ee waa u waano uumanka.