>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 137

6:74 74. (Xus, Nabiyow) markuu Ibraahiim ku yidhi aabbihii Aazar [4]: Ma waxaad ka yeelataa asnaam ilaahyo? Waxaan kugu arkaa adiga iyo qolodaadaba habow cad.

6:75 75. Sidaasaan u tusinnay Ibraahiim Boqortooyada samooyinka iyo arlada si uu uga mid ahaado kuwa Xaqa yaqiinsan.

6:76 76. Markuu ku madoobaaday habeenku wuxuu arkay xiddig, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markuu se dhacay, wuxuu yidhi: Ma jecli waxa dhaca.

6:77 77. Markuu arkay dayaxa oo soo baxaya, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markuu se dhacay, wuxuu yidhi: Haddii uusan I hanuunin Rabbigay, waxaan ka mid noqon qoloda lunsan.

6:78 78. Markuu arkay qorraxda oo soo baxaysa, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Ma kan baa ugu weyn?. Markay se dhacday, wuxuu yidhi: Tolkayow! Anigu waxaan barii ka ahay waxaad Alle u shariig yeeshaan.

6:79 79. Anigu waxaan u jeediyey wejigayga anoo toosan xagga (Alle, ee ah) Kan askumay (ahaysiiyey) samooyinka iyo arlada, oo anigu ka mid ma ahi mushrikiinta.

6:80 80. Waxaa la dooday qolodiisii; wuxuu yidhi: Ma waxaad igala doodeysaan arrinka Alle? isagoo I hanuuniyey; ma ka cabsi qabo waxaad Alle la wadaajisaan cibaadada (ma jiraan wax ay i yeeli karaan) wuxuu Rabbigay doono ma’ahee. Rabbigay wuxuu ku koobaa wax walba Cilmi (iyo Awood). Ee ma waydaan waansamayn?

6:81 81. Sidee baan uga cabsan kuwa aad Alle la wadaajisaan cibaadada (iyagoo aan hanan karin dhib iyo dheef midna), halka aydaan idinku ka cabsanin inaad la wadaajiseen Alle cibaadada cid kale uusan idiinku soo dejinin wax xujo ah. Ee kee baa labada qolo mudan amni, haddaad ogtihiin?