>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 134

6:53 53. Sidaasaan isugu imtixaannaa (dadka) qaarkoodba qaar kale inay (kuwooda hodanka ahi) yidhaahdaan: Ma kuwaan baa kuwa Alle uu ku mannaystay (hanuunka) dhexdeenna? Miyaanu Alle ahayn Kan Ogsoon kuwa mahad naqa?

6:54 54. Markay kuwa rumeysan Aayadahaya- ga kuu yimaadaan, dheh: Nabadi korkiinna ha ahaato, Rabbigiin wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis, sidaa awgeed, hadduu midkiin u falo xumaan jahli darti, markaas kaddibna tawbad keeno oo wanaagsanaa- do, hubaaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

6:55 55. Sidaasaan u faahfaahinnaa Aayadaha si ay u caddaato waddada denbiilayaasha.

6:56 56. Dheh: Waxaa la iga reebay inaan caabudo kuwa aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi. Dheh:Raaci maayo hawadiin- na, waayo (haddii aan sidaas yeelo), waan lumi, kamana mid ahaanayo kuwa hanuunsan.

6:57 57. Dheh: Anigu waxaan ka heystaa Xujo Cad xagga Rabbigay, waadse beeniseen (Xaqa), ma hayo waxa aad degdegsaney- saan (Cadaabka). Go’aanka waxaa iska leh Alle Keliya, wuxuu soo tebiyaa Xaqa, waana Isaga Kan u wanagsan inta wax kala saarta.

6:58 58. Dheh: Haddaan hayn lahaa waxaad dooneysaan in la soo dedejiyo (oo cadaab ah), arrinka wuxuu ahaan lahaa mid la gooyey aniga iyo idinka dhexdeenna. Alle wuu ogsoon yahay daalimiinta (gar diidka).

6:59 59. Wuxuu (Alle) hayaa furayaasha khaznadaha qarsoon, ma jiro wax ogsoon aan Isaga ahayn. Wuxuu og yahay wax kasta oo ku sugan barriga iyo badda; ma jirto caleen soo dhacda uusan ogeyn; ama iniin taal mugdiyada dhulka iyo wax qoyan ama qallalan midna, bal (waxay dhaammaan) ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).