>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 133

6:45 45. Markaasaa la cidhibtiray dadkii falay dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale). Ammaan idilkeed iyo mahadna waxaa mudan Alle, Rabbiga uumanka.

6:46 46. Dheh: Bal ka warrama hadduu Alle qaado maqalkiinna iyo araggiinna, oo yeelo shaabbad quluubtiinna daboosha; waa kuma ilaaha aan aheyn Allaah ee idiin keeni? Eeg sidaan ugu celcelinno Aayadaha, markaas ay uga sii jeestaan?

6:47 47. Dheh: Bal ka warrama, hadduu idiinku yimaado Cadaabka Alle kedis ama caddaan; Miyaa la halaagaa waxaan aheyn qoloda daalimiinta (gar diidka) ah?

6:48 48. Uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyaal iyo digayaal, ee qofkii rumeeya oo sama fala, kuwaas cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.

6:49 49. Kuwase beeniya Aayadahayaga, waxaa taaban (soo gaari oo ku dhici) cadaab caasintooda darteed.

6:50 50. Dheh: Idinkuma dhaho waxaan hayaa khasnadaha Alle, mana ogi waxa aan muuqan ee qarsoon, idinkumana dhahayo waxaan anigu ahay malag. Waxaan uun raacaa waxa la ii waxyoodo. Dheh: Kan indhaha la’ iyo kan wax arka miyey siman yihiin? Miyeydaan fakaraynin?

6:51 51. Oo ugu dig (Qur’aanka) kuwa ka cabsan in loo soo kulmiyo xagga Rabbigood—ma laha gargaare iyo shaafeece midna Isaga sokadiis, bal inay iska jiraan (xumaha).

6:52 52. Ha eryin (Nabiyow) kuwa barya Rabbigood subax iyo galabba, iyagoo dooni Wajigiisa. Waxba kaama saarna [2] Xisaabtooda, iyagana xisaabtaada waxba kama saarna, (ee iska jir) inaad eriso, oo sidaas uga mid ahaato daalimiinta.