>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 132

6:36 36. Kuwaa wax maqla (mu'miniinta) uun baa ajiiba (baaqa Alle), meytidase (gaalada), Alle baa soo bixin, Xaggiisaana loo celin.

6:37 37. Waxay yidhaahdeen: Maxaa looga soo dejin waayey calaamo (Mucjisad) xagga Rabbigi ah? Dheh: Alle wuu Karaa inuu soo dejiyo calaamo, badankooduse ma oga.

6:38 38. Ma jiro noole ku socda arlada, ama shimbir ku duula labadiisa baal, aan aheyn ummado idinla mid ah. Waxba kama aanaan dhaafin Kitaabka [1], markaas xagga Rabbigood baa la isugu soo kulmin.

6:39 39. Kuwa beeniya Aayadahayaga waa kuwo ka dhega la’ (Xaqa) oo ka af la’ oo ku jira mugdiyo daran. Qofkuu doono Alle wuu lumiyaa, qofkuu doonana wuxuu yeelaa Jid Toosan.

6:40 40. Dheh: Bal ka warrama hadduu idiin yimaado Cadaabka Alle ama ay idiin timaaddo Saacaddu (Qiyaame), ma cid kale aan Alle ahayn ayaad baryeysaan haddaad run sheegaysaan?

6:41 41. Mayee’ Isaga uun ayaad baryeysaan, markaasuu idinka dul qaadi (dhibta) waxaad ka baryeysaan hadduu doono, waadna illowdaan waqtigaa waxaad la wadaajineyseen cibaadada (oo Keligii baridaan).

6:42 42. Waxaan u dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyay (wayse ku caasiyeen) markaas baan ku qabannay dhibaatooyin iyo jirrooyin si ay u soo dabcaan oo ugu hoggaansamaan (Alle).

6:43 43. Maxay markuu u yimid Ciqaabkayaga, u soo hogan waayeen? Quluubtoodaase qallashay, wuxuuna u qurxiyey Shaydaan waxay falayeen.

6:44 44. Markay dan u gali waayeen waxa lagu waaniyey iyo wixii loogu gooddiyey, waxaan u furnay albaabbada wax kasta, ilaa markay ku farxeen waxa la siiyey, waan qabannay si kedis ah, mise waxay ku sugan yihiin quus daran.