Cabdullaahi Xasan Yacquub — 130
6:19 19. Dheh: Maxaa u weyn Marag? Dheh: Alle baa ah Maragga dhexdeenna aniga iyo idinka; waxaana la ii waxyooday Qur'aankan inaan idiinku digo idinka iyo cid kasta uu gaadho. Ee idinku ma waxaad ka marag kacdaan inay Alle la jiraan ilaahyo kale? Dheh: Anigu kama marag kacayo. Dheh: Waa uun Ilaah Keliya, aniguna waxaan barii ka ahay waxaad la wadaajisaan (Alle cibaadada).
6:20 20. Kuwa aan siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaan (Nabi Muxammad ee ku yaal kutubtooda) siday u gartaan carruurtooda. Kuwa khasaari nafahooda (Aakhirada) ma rumeynayaan.
6:21 21. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle ama beeniya Aayadihiisa? Hubaal daalimiintu ma liibaanaan.
6:22 22. Maalintaan kulmineyno (dadka) dhammaan, markaas baan ku odhan kuwii la wadaajiyey (Alle) cid kale cibaadada: Meeye shurakadiinna aad ku andacooteen (inay Alle shariigyo la yihiin).
6:23 23. Markaas ma ahaan doono cudurdaarkoodu waxaan ahayn inay dhihi: Wallaahi, Rabbigayow, ma aanu aheyn gaalo mushrikiin ah.
6:24 24. Eeg Siday uga been sheegeen nafahooda, ugana dhumeen waxay been abuuran jireen (oo ilaahyo aan jirin ah).
6:25 25. Waxaa ka mid ah kuwo ku dhegaysta, waxaana yeellay quluubtooda daboollo si ayan u fahmin (Xaqa), iyo culeys dhegahooda; hadday arkaan calaamo (mucjiso) kasta ma rumeynayaan, heer markay kuu yimaadaan way uun kula doodaan, waxay kuwa gaalooba yidhaahdaan: Kani (Qur’aanka) ma aha waxaan ahayn sheeko-xariirtii kuwii hore.
6:26 26. Waxay ka reebaan dadka (rumeynta Nabiga iyo dhageysiga Qur’aanka) iyaguna ka sii fogaadaan, mana halligayaan waxaan aheyn nafahooda, mase dareensana.
6:27 27. Haddaad arki lahayd iyagoo la dul joojiyey Naarta, markaas waxay odhan: Alla haddii naloo celin lahaa (adduunka), ma aan beenin lahayn Aayaadaha Rabbigayo, waxaana ka mid noqon laheyn mu’miniinta.