>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 127

5:114 114. Ciise ina Maryam wuxuu yidhi: Allahayow! Rabbigayow! Nooga soo deji xeero cunto ah samada, oo u noqota ciid kaayaga hore iyo kaayaga dambeba iyo calaamo xaggaaga ah; oo na sii risiq, Adigaa u wanaagsan inta wax arsaaqda'e.

5:115 115. Alle wuxuu yidhi: Waan idinku soo dejin, ee qofkii idinka mid ah ee gaalooba markaas kaddib, waxaan cadaabi cadaab aan cadaabeyn qof ka mid ah ummadaha.

5:116 116. Marka Alle odhan: Ciise ina Maryamow! Ma adigaa ku yidhi dadka: Iga dhigta Aniga iyo hooyaday labo ilaah Alle ka sokow? Wuxuu odhan: Xurmoo dhan Adigaa (Allow) leh oo ka hufan (xumaan)! Igama suurta gasho inaan idhaahdo wax aan xaq u lahayn. Haddaan odhan lahaa, waad ogaan laheyd. Waxaad Og tahay waxa ku jira nafteyda, Aniguse ma ogi waxa ku jira Naftaada. Adiga ayaa ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon ee aan muuqan.

5:117 117. Kuma aan odhan waxaan ahayn waxa aad i amartay oo ah: Caabuda Alle Keliya, Rabbigay iyo Rabbigiin, Waxaana anigu markhaati ka ahaa intaan la joogay, markaad se i qabatay anigoo nool (oo kor ii qaadday samada), Adigaa dhowrayey dhowrid dhan oo joogto ah, Adigaana Marag ka ah wax walba oo u jeeda.

5:118 118. Haddaad cadaabeyso, waa addoommahaaga, haddaad u denbi dhaafeysona, Adigaa ah Adkaadaha aan laga adkaan, Xakiimka ah (Falka iyo Odhaahda san).

5:119 119. Alle wuxuu odhan: Kanu waa Maalin ay runtoodu wax u tari runlowyada, waxay leeyihiin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyadu qulqulaan iyagoo ku dhex waaraya weligood. Alle raalli buu ka yahay, iyaguna raalli ka yihiin. Taasina waa liibaanta weyn.

5:120 120. Alle baa iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa gudahooda ah. Alle wax kasta (uu doono) wuu Karaa.