>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 122

5:84 84. Maxaanaan u rumeyneyn Alle iyo waxa noo yimid ee Xaqa ah, oo aannaan u damceyn inuu Rabbigeen na geliyo (Jannada) la jirka dadka wanaagsan (Nabi Muxammad iyo asxaabtiisa).

5:85 85. Markaasuu Alle ku abaal mariyey waxay yidhaahdeen awgeed beero (Jannooyin) ay webiyadu hoos qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya. Taasina waa abaal marinta sama falayaasha.

5:86 86. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga, kuwaa waa ehlu Naarka.

5:87 87. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha xarrimina Waxyaalaha wanaagsan uu Alle idiin banneeyey, hana xad gudbina. Hubaal, Alle ma jecla kuwa xadgudba.

5:88 88. Cuna wuxuu Alle idin siiyey oo xalaal wanaagsan ah, kana cabsada Alle, ee ah Kan aad rumeysan tihiin.

5:89 89. Alle idiin ma qabto waxa aydaan dan ka lahayn ee aad isaga dhaarataan (ujeeddo la’aan), wuxuuse idiin qaban (jabinta) dhaaraha aad si kas ah u gashaan. Kafaaragudkeedu waa quudin toban qof oo miskiin ah (aad siisaan) kan u fiican waxaad ku quudisaan reerihiinna ama u arrad tirkooda, ama xoreyn addoon. Qofkii aan heli karin waa inuu soomo seddex maalmood (oo xidhiidh ah). Kani waa kafaara gudka dhaarihiinna markaad dhaarataan. Ee dhowra dhaarihiinna. Sidaasuu Alle idiinka dhigaa caddaan Aayadihiisa si aad u mahdisaan.

5:90 90. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Sideedaba Khamrada iyo qamaarka iyo (wax u hibeynta) sanammada iyo faalku [18] waa qurun camal shaydaan ah ee ka fogaada aad liibaataane.