Cabdullaahi Xasan Yacquub — 121
5:78 78. Kuwii gaaloobay ee ka midka ahaa Ilmahii Is’raaiil waxaa lagu nacladay carrabka Daawuud iyo Ciise ina Maryam. Waxaa arrinkani ugu wacnaa inay caasi-yeen darteed oo xadugudub sameyn jireen.
5:79 79. Iskama ay reebi jirin waxyaalaha xun ay falaan. Xumaan badanaa waxay falayeen.
5:80 80. Waxaad arki in badan oo ka mid ah oo ka dhiganaya sokeeye iyo gacallo gaalada. Xumaa waxay naftoodu u hormarisay iyaga oo ah inuu Alle u cadhooday, oo cadaabtay ku waari weligood.
5:81 81. Hadday yihiin kuwo rumeysan Alle iyo Nabiga iyo waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah, kama ay dhigteen sokeeyayaal iyo saaxiibbo (gaalada), in badanse oo ka mid ah waa caasiyaal.
5:82 82. Waxaad heli kuwa uga cadaawad qaad badan mu’miniinta inay yihiin Yuhuudda iyo kuwa ah mushrikiinta, waxaadna heli kuwa ugu jaceyl dhow mu’miniinta inay yihiin kuwa yidhaahda: Waxaanu nahay Nasaaro. Waxaa arrinkani ugu wacan inay ka mid yihiin qaysas iyo ruhbaan, iyo inaysan iskibrin darteed.
5:83 83. Markay maqlaan waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah Rasuulka, waxaad arki indhahooda oo ay ka qubanayso ilmadu Xaqa ay garteen awgii.Waxay yidhaahdaan: Rabbigayow! Waan rumeynay; ee nagu qor la jirka kuwa ka marag kaca Xaqa.