>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 12

2:77 77. Miyeyna ogayn in Alle og yahay waxay qarin iyo waxay muujin?

2:78 78. Waxaa ka mid ah (ehlu Kitaabka) caamo aan aqoon Kitaabka, hase yeeshee isku maaweeliya hididdiilooyin been ah, ee se iska maleeya uun (inuusan Nabi Muxammad ku qorneyn Kutubtooda).

2:79 79. Hoog waxaa leh kuwa ku qora Kitaabka gacmahooda, markaas yidhaahda: Kani wuxuu ka yimid xagga Alle, si ay u siistaan qiimo yar. Hoog bay leeyihiin waxay gacmahooda qoreen darteed, hoog bayna leeyihiin waxay kasbadaan darteed (oo denbiyo ah).

2:80 80. Waxay (Yuhuuddu) yidhaahdeen: Naari nama taabaneyso waxaan aheyn ayaamo tirsan. Dheh: Ma waxaad ka heysataan ballan xagga Alle, marka Alle ma ka baxo ballankiisa? Mise waxaad ka sheegeysaan Alle wax aydaan ogeyn?

2:81 81. Haayoo, Qofkii kasbadaa xume (ku dhaca shirki) ee uu gefkiisu hareereeyo, kuwaasu waa ehlu Naar, way ku dhex waari weligood.

2:82 82. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala [17], kuwaasu waa ehlu Jannada, way ku dhex waari weligood.

2:83 83. (Xus) markaan la galnay Ilmahii Isaraa’iil ballan (leh): Ha caabudina waxaan ahayn Allaah, waalidkana u sama fala, qaraabada, agoomaha iyo masaakiinta, oo kula hadla dadka hadallo san, oogana salaadda, oo bixiya Zakada, markaasaad jeesateen in yar oo idinka mid ah maahee (imminkana sidoo kale) dhinac baad u jeesataan.