>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 117

5:51 51. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina Yuhuudda iyo Nasaarada gacallo iyo sokeeyayaal, iyagaa qaarkoodba sokeeye u ah qaarka kale, qofkii idinka mid ah ee ka dhigta sokeeye, wuxuu ka mid yahay iyaga. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.

5:52 52. Waxaad arki kuwa uu quluubtooda ku jiro cudur (shaki, nifaaq, iwm) oo u degdegaya xaggooda, iyagoo leh: Waanu baqaynaa si ayan noogu dhicin dhibaato (socota). Waxaase laga yaabaa in Alle keeno guul ama ciqaab Xaggiisa ah oo markaas ay ahaadaan kuwo waxay ku qarsanayeen nafahooda ka shallaaya.

5:53 53. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay odhan: Ma kuwan baa kuwii ku dhaartay Alle dhaarahooda midda ugu culus inay idin la jireen? Acmaashooda waxba kama jiraan, waxayna ahaadeen kuwo khasaaray.

5:54 54. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qofkii idinka mid ah ee ka noqda diintiisa, wuxuu Alle keeni qolo uu jecel yahay, iyaguna jecel, u nugul mu’miniinta, ku ad-adag gaalada, u jihaada Jidka Alle, oo aan ka cabsan canaanta canaante. Kaasi waa Fadliga Alle, Wuxuu siiyaa qofkuu doono. Alle waa Deeq Ballaarane, wax kasta Og.

5:55 55. Sideedaba Gargaarahiinnu Waa Allaah, iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeeyey - kuwa ooga salaadda, oo bixiya Zakada iyagoo rukuucsan (u hoggaansan Alle).

5:56 56. Qofkii sokeeye ka dhigta Alle iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeeyey, hubaal xisbiga Alle waa iyaga kuwa lib heli.

5:57 57. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina kuwa ka dhigta diintiinna jeesjees iyo ciyaar ee ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiin, iyo gaalada (mushrikiinta ah) sokeeye. Alle ka cabsada, haddaad tihiin mu’miniin.