>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 115

5:42 42. (Yuhuuddaa) waa been dhageystayaal, xaaraan quutayaal. Sidaas awgeed hadday kuu yimaadaan, u kala garsoor ama iskaga jeeso, haddaad ka jeesato waxba kaama dhimaan. Haddaad u kala garsoortana, ugu kala garsoor caddaalad dhexdooda. Hubaal Alle wuu jecel yahay kuwa wax u garsoora si caddaalad ah.

5:43 43. Sidee bay kaaga dhigan garsoor, iyagoo heysta Towraadda oo uu ku yaal xukunkii Alle [14]?. Markaasna ay jeestaan intaasi kaddib. Kuwani ma aha mu’miniin.

5:44 44. Waxaanu soo dejinnay Towraadda uu ku sugnaa Hanuun iyo Nuur, oo ay Nabiyadii u hoggaansamay (Alle) ugu kala garsooreen (arrimaha) kuwaasi ahaa Yuhuudda, sidaas bayna yeeleen Rabbi yaqaannadii iyo culumadii (Yuhuudda), kuwaasoo la saaray inay wax ka dhowraan Kitaabka Alle, waxayna ka ahaayeen markhaati. Ee ha ka baqina dadka ee iga baqa Aniga (Alle) Keliya, hana ku iibsannina Aayadahayga qiimo yar. Qofkii aan wax ku xukumin wuxuu Alle soo dejiyey, kuwaasi weeye kuwa gaalada ah.

5:45 45. Waxaana ugu qornay (Towraadda): in naf loo qaado naf [15], ilna il, sankana san, dhegtana dheg, iliggana ilig, Nabarradana waa in laysu dhaawac simo. Kiise sadaqeysta [16] waxaa loogu dhaafi denbigiisa. Qofkaan wax ku xukumin wuxuu Alle soo dejiyey, kuwaas weeye kuwa ah daalimiinta (gar diidka).