>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 114

5:37 37. Waxay dooni inay ka soo baxaan Naarta, kamana baxaan xaggeeda, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah.

5:38 38. Tuugga iyo tuugadda gooya gacmahoo- da, ciqaab ahaan waxay kasbadeen awgii, waa ciqaab eed siin ah xagga Alle. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

5:39 39. Qofkii se tawbad keena kaddib markuu gef galay ee hagaajiya (naftiisa), Alle wuu ka tawbad aqbali. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

5:40 40. Miyaadan ogeyn in Alle leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Wuxuu cadaabi qofkuu doono oo u denbi dhaafi qofkuu doono. Alle wax walba wuu Karaa.

5:41 41. Rasuulow yeysan ku murugeyn kuwa u dheereeya gaalnimada oo ah munaafiqiinta ka yidhaahda afafkooda: Waan rumeynay, quluubtooduse aanay rumeyn, iyo kuwa ka mid ah kuwaa heysta Yuhuudiyada, waa aad u dhageystayaal beenta - dhageysta dad kale aan kuu imaan [11]. Waxay ka duwaan ereyada (Xukunnada sharciga) meelahooda (ku habboon); waxay yidhaahdaan: Haddii la idin siiyo kan [12] qaata, haddiise aan la idin siinin [13], markaa (ha qaadannina oo) digtoonaada. Qofkii uu Alle doono inuu fidmeeyo, waxba ugama tari kartid xagga Alle, kuwaasi weeye kuwa uusan Alle doonin inuu daahiriyo quluubtooda; waxay leeyihiin adduunyada dulli, waxayna leeyihiin Aakhirada Cadaab weyn.