>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 112

5:24 24. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Innagu ma galeyno weligayo intay ku jiraan. Ee taga adiga iyo Rabbigaa oo dagaal gala labadiinnu, innagu halkan baanu fadhin.

5:25 25. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Anigu ma hanto waxaan ahayn nafteyda iyo walaalkay (Haaruun), ee na kala saar innaga iyo qolodaa caasiyiinta ah.

5:26 26. (Alle) wuxuu yidhi: Iyadu (dhulkan daahirka ah) waa ka xaaraan iyaga afartan sannadood, ay ku jaha wareeri dhulka. Ee ha u murugoon qoloda caasiyiinta ah.

5:27 27. Uga warran qisada labadii wiil ee Aadam oo xaq ah; markay labaduba bixiyeen qurbaan ee laga aqbalay midkood [5], oo aan laga aqbalin kii kale [6]. (Qaabiil) wuxuu (ku) yidhi (Haabiil): Waan ku dili. (Haabiil) wuxuu yidhi: Sideedaba wuxuu Alle wax ka aqbalaa kuwa dhowrsoon ee u hoggaansan.

5:28 28. Haddaad iigu soo fidiso gacantaada xaggeyga inaad I disho, Anigu kuugu soo fidin maayo gacantayda xaggaaga inaan ku dilo, waxaan anigu ka cabsan Alle, Rabbiga caalamka.

5:29 29. Waxaan dooni inaad la gaddoonto denbigaad iga gasho iyo denbigaagaba, markaas waxaad ka mid noqon ehlu Naarka, taasina waa abaalka daalimiinta.

5:30 30. Markaasay u qurxisay naftiisii dilka walaalki (Haabiil); oo uu dilay [7], wuxuuna ka mid noqday kuwa ku jira khasaaraha cad.

5:31 31. Markaasuu Alle soo diray tuke fagaya dhulka si uu u tuso siduu u aasi lahaa maydka walaalki. Wuxuu yidhi: Hoogaye! Miyaan kari waayey inaan noqdo tukahaan oo kale oo aaso maydka walaalkay? Wuxuuna ahaaday mid ka qoomameeya.