Cabdullaahi Xasan Yacquub — 111
5:18 18. Yuhuudda iyo Nasaarada waxay yidhaahdaan: Waxaanu nahay ilmahii Alle iyo kuwa uu jecel yahay. Dheh: Muxuu haddaba idiinku cadaabaa denbiyadiinna?. Mayee, waxaad tihiin Aadmi ka mid ah wuxuu abuuray. Wuxuu u denbi dhaafi qofkuu doono, oo cadaabi qofkuu doono. Alle baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya. Waa Xaggiisa aayotiinka dambe iyo meel noqodkiinna.
5:19 19. Ehlu-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Waxaa idiin yimid Rasuulkayaga (Nabi Muxammad) isagoo idiin caddeynaya (Xaqa) hakasho kaddib (soo diristii) Rususha, si aydaan u odhan, Nooma imaan bishaareeye iyo dige midna. (Haatan) waxaa idiin yimid bishaareeye iyo dige. Alle wax walba wuu Karaa.
5:20 20. Oo (xus, Nabiyow) markuu Muuse ku yidhi qolodiisii: Tolkaygiiyow! Xusuusta Nicmadda Alle dushiinna, markuu idinka soo dhex saaray Nabiyo, idinkana dhigay boqorro, idin siiyeyna waxaan la siin cid ka mid ah caalamka (waqtigiinnii).
5:21 21. Dadkaygiiyow (Muslimiinta ah)! Gala arladaan daahirka ah (Qudus) ee Alle idiin qoray (oo idinku waajibshay ka xoreynteeda mushrikiinta) , hana u noqonnina gadaashiinna, waayo markaas waxaad soo laaban idinkoo ku sugan khasaaro dhan.
5:22 22. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Waxaa jooga halkaa qolo xoog badan (haraagii reer Caad oo ahaa dad dhaadheer oo xoog badan oo mushrikiin ah), mana galeyno jeer ay ka baxaan; hadday ka baxaan markaas baanu gali.
5:23 23. Labo nin (Yuushac bin Nuun iyo Kaalib bin Yoofinaa) oo ka mid ah kuwa (Alle ka) cabsada oo uu Alle u nicmeeyey waxay yidhaahdeen: Uga gala (cadowga) albaabka, markaad gashaan idinkaa adkaan. Alle tala saarta, haddaad tihiin mu’miniin.