Cabdullaahi Xasan Yacquub — 11
2:70 70. Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waxay tahay, lo’dii (oo dhan) baa isaga kaaya ekaatay, haddii Alle idmo waxaan ahaan kuwo hanuunsan.
2:71 71. Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, waa sac aan loo tababarin inay fasho arlada ama inay waraabiso beeraha, ka maran ceeb, oo aan lahayn wax bar ah.Waxay yidhaahdeen: Haatan baad la timid xaqa. Markaasay gowraceen, inkastoy ku dhowaadeen inayan sameyn (cinaad darti).
2:72 72. (Xusuusta) markaad disheen nin, oo isku qabateen (cidda dishay), Allese wuxuu ahaa mid u soo saaraya debedda waxaad qarineyseen.
2:73 73. Markaasaanu nidhi: Ku dhufta (ninka la dilay) wax ka mid ah (sacaa la gowracay). Sidaasuu Alle u soo nooleeyaa meytida, wuxuuna idin tusaa calaamooyinkiisa si aad u garowsataan.
2:74 74. Markaasay qallashay quluubtiinnu intaa kaddib, waana sida dhagaxda oo kale, ama ka adayg badanba. waayo waxaa jira dhagaxyada qaar ay ka soo burqadaan webiyo, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo dildillaaca markaas biyo ka soo shubmaan, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo la soo dhaca cabsi Alle darteed [14]. Alle ma mooga waxaad falaysaan.
2:75 75. Ma waxaad damac ka qabtaan (mu’miniintoy) inay wax idinka rumeystaan (Yuhuuddu) iyagoo koox ka mid ah ay dhageysan jireen Hadalka Alle, haddana beddelaan (Towraadda) [15] intay fahmeen kaddib iyagoo og (inay gefsan yihiin)?
2:76 76. Markay la kulmaanna kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta), waxay yidhaah- daan: Waan rumaysannahay, markase ay keli isla noqdaan qaarkoodba qaar, waxay yidhaahdaan: Ma waxaad uga warramey- saan waxa uu Alle idiin caddeeyey [16], si ay iyagu idinkula doodaan arrintaa Rabbigiin horti? Ma waydaan wax fahmeyn?