>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 105

4:171 171.Ehlul-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ha ku xad dhaafina diintiinna (iyo camalkiinna), hana ka sheegina Alle waxaan xaq ahayn. Masiixa Ciise ina Maryam waa uun Rasuul Alle iyo Kelmeddiisa uu u diray Maryam iyo ruux Xaggiisa ah uu abuuray; ee rumeeya Alle iyo Rusushiisa, hana odhannina: Waa saddex (ilaah), Ka hara waa wax idiin roon’e. Alle waa uun Ilaah Keliya, wuu ka hufan yahay inuu yeesho wiil. Wuxuuba leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Oo ku Filan Alle ka taliye ahaan arrimaha uunka.

4:172 172. Masiixa (Ciise ina Maryam) sinnaba isagama kibriyo inuu ahaado addoon Alle, iyo sidoo kale malaa’igta u dhow (Alle). Qofkii iska kibriya Caabudidda (Alle) oo islaweyn, Wuxuu u soo kulmin Xaggiisa dhammaantood.

4:173 173. Ma kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, wuxuu siin ajarradooda ay muteen oo dhan, oo u ziyaadin wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Kuwase iska weyneeya Caabudidda (Alle keliya) oo is kibriya, Wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan. Mana u helayaan nafahooda Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.

4:174 174. Dadow! Waxaa idiinka yimid Xujo Cad xagga Rabbigiin (waa Nabi Muxammad s.c.w), Waxaana idiin soo dirnay Nuur cad (Qur’aanka).

4:175 175. Ma kuwa rumeeya Alle oo si sugan u qabsada (Kitaabkiisa iyo Sunnada Rasuulkiisa) wuxuu gelin Naxariis Xaggiisa ah iyo Fadli, wuxuuna ku hanuunin Xaggiisa Jid Toosan (Islaamka).