Cabdullaahi Xasan Yacquub — 104
4:163 163. Waxaanu kuugu waxyoonnay (Nabi Muxammadow) sidaan ugu waxyoonnay Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyay; Waxaana u waxyoonnay Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, Al-Asbaad (Nabiyadii ahaa firka Yacquub), Ciise, Ayyuub, Yuunus, Haaruun iyo Sulaymaan, Daawuudna Waxaanu siinnay Zabuur.
4:164 164. (Waxaana soo dirnay) Rusul aan kaaga warrannay horey, iyo Rusul aanaan kaaga warramin. Alle wuxuu ula hadlay Muuse si toos ah hadlid [59].
4:165 165. (Waxaan soo drinay) Rusul ah bishaareeyaal iyo digayaal si aanay dadku ugu yeelan Alle wax cudur daar ah (imaanshaha) Rususha ka dambow. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
4:166 166. Laakiinse Alle wuxuu markhaati ka yahay waxa uu kuu soo dejiyey wuxuu ku soo dejiyey Cilmigiisa, malaa’igtuna [60] waa ka markhaati kacaan (sidoo kale). Alle waa ku Filan yahay Markhaati ahaan.
4:167 167. Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle, waxay habaabeen habow aad u fog.
4:168 168. Hubaal, kuwa gaalooba ee dulmi fala (iyagoo ka hor istaagaya dadka Jidka Alle), ma aha Alle Mid u denbi dhaafaya oo ma aha Mid ku hanuunin jidna.
4:169 169. Jidka Jahannama mooyee, iyagoo ku dhex waaraya weligood, arrinkaana Alle wuu u fudud yahay.
4:170 170. Dadoow! Wuxuu idiinla yimid Rasuulku xaq ka yimid Rabbigiin, ee rumeeya waa wax idiin roon idinka’e. Haddiise aad gaalowdaan, hubaal Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.