Cabdullaahi Xasan Yacquub — 103
4:155 155. (Sidaa awgeed waan lacnaday) axdigay ka baxeen darteed, iyo rumeyn la’aantooda Aayadaha Alle iyo ku diliddooda Anbiyada xaq darro, iyo qawlkooda ah: Quluubtayada way qufulan yihiin. mayee, Alle baa yeelay shaabbad daboosha gaalnimadooda darteed marka ma rumeeyaan in yar ma’ahee.
4:156 156. Iyo rumeyn la’aantooda darteed iyo odhaahdooda ay ka sheegaan Maryam ee been abuur weyn ah.
4:157 157. Iyo odhaahdooda: Waxaan dilnay Masiixa Ciise ina Maryam, Rasuulkii Alle [56], _mase ay dilin [57] mana ay daldalin, waase loo arag ekeysiiyey. Oo kuwa isku khilaafa arrinkiisa waxaa kaga jira shaki. Uma heystaan wax cilmi (la hubo oo run ah), waxay raacaan wax kale maahee waa male awaal. Mana ay dilin oo la hubo.
4:158 158. Mayee! Alle baa kor u qaaday (jidh iyo ruuxba) Xaggiisa. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
4:159 159. Ma jiro mid ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) aan rumeyn doonin isaga (Nabi Ciise inuu yahay addoon Alle iyo Rasuulkiisa, iyo inaan la dilin lana daldalin) ka hor inta aanu dhiman [58]. Maalinta Qiyaamahana wuxuu ku marag furi lidkood iyaga.
4:160 160. Dulmi ay galeen kuwaa heystay (diinta) Yuhuudiyadda awgii, ayaan uga xaaraameennay waxyaalo wanaagsan ee horay ugu ahaa xalaal, iyo sababta ka weecintooda (dad) badan Jidka Alle.
4:161 161. Iyo qaadashadooda Ribada iyagoo laga reebay inay qaataan, iyo ku cunistooda maalka dadka been (laaluush). Waxaana u diyaarinnay kuwooda gaalada ah ee ka mid ah cadaab xanuun badan.
4:162 162. Kuwoodase ku xidideystey cilmiga oo ka mid ah iyo mu’miniintuba, waxay rumeysan yihiin waxa laguu soo dejiyey (Nabiyow) oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey Waxyi hortaa, iyo kuwa u ooga salaadda si wanaagsan ee bixiya Sakada ee rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, kuwaa waxaan siin doonnaa Abaalgud Weyn (Janno).