>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 102

4:148 148. Alle ma jecla ku dhawaaqa hadalka kiisa xun, mid maahee uu yidhaahdo qof la dulmiyey (oo dacwoonaya). Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

4:149 149. Haddaad u fashaan khayr si caddaan ah ama qarsoodi, ama aad iska cafidaan xume- haddaba Alle waa Cafis Badane, Awood Badan.

4:150 150. Hubaal, kuwa ku gaalooba Alle iyo Rusushiisa (iyo kuwa) raba inay kala geeyaan Alle iyo Rusushiisa oo yidhaahda, Waxaan rumayn qaarkood, oo ku gaaloobi qaar kale, rabana inay qaadaan jid u dhexeeya (labadaa).

4:151 151. Kuwaa weeye kuwa run ahaan ah gaalo. Waxaana u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa.

4:152 152. Kuwase rumeeyey Alle iyo Rusushiisa oo aan kala soocin midkoodna ka mid ah oo kala saarin, kuwaas wuxuu Alle siin ajarradooda. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

4:153 153. Ehlul Kitaabka (Yuhuudda) waxay ku weydiin inaad kaga soo dejiso Kitaab xagga samada. Waxayba horay kaga dalbeen Muuse arrinkaas mid ka weyn, oo yidhaahdeen: Noo tus Alle si caddaan ah, markaasaa waxaa qabtay onkod daran iyo biriq dulmigoodii dartiis. Haddana waxay samaysteen dibi (ilaah ahaan) kaddib markay xujooyin cad u yimaadeen waanu se ka cafinnay arrinkaa (markay ka tawbad keeneen). Waxaanuna siinnay Muuse Xujo Cad.

4:154 154. Waxaana kor u soo qaadnay Buurta (Siinaay) oo dul keennay (goortii aan ka qaadeynay) axdigoodii. Waxaan ku nidhi: Gala Albaabka idinkoo sujuudsan. Oo ku nidhi: Ha ku xadgudbinnana arrinka Sabtida. Waxaana ka qaadnay ballan adag.