>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 101

4:141 141. Kuwa idin la suga (dhibaato idinku dhacda); markaad guul ka heshaan xagga Alle, waxay yidhaahdaan: Miyaanaan idin la jirin? Haddayse gaaladu lib yeelato, waxay yidhaahdaan, Ma waanaan idin adkeynin oo aan idinka celin mu’miniinta? Marka Alle baa idin kala xukumi dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha. Alle kama siinayo gaalada jid mu'miniinta.

4:142 142. Munaafiqiintu [54] waxay (u heystaan inay) dagayaan Alle, Isaga baase daga. markayna u kacaan salaadda, waxay kacaan iyagoo wahsi ku jiro, waxay istusaan oo keliya dadka, mana xusaan Alle wax yar ma’ahee.

4:143 143. Waxay kala dhex wareegaan kuwaas (gaalada) (iyo kuwan), oo kama tirsana kuwan, iyo kuwaa midna. Qofkii uu Alle lumiyo, uma heli doontid jid isaga.

4:144 144. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka yeelannina gaalada sokeeya halkii mu’miniinta. Ma waxaad dooneysaan inaad isaga yeeshaan Alle xujo cad?

4:145 145. Munaafiqiintu [55] waxay ahaan dabaqa u hooseeya ee Naarta; umana heli doontid gargaare (shafeece Aakhirada).

4:146 146. Marka laga reebo kuwa tawbad keena oo wanaagsanaada, oo qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa), una keli yeela cibaadadooda Alle, kuwaa waa la jirka mu’miniinta. Wuxuu Alle siin mu’miniinta Ajar aad u weyn (Janno).

4:147 147. Muxuu Alle ku fali caddibaadiinna haddaad ku mahdisaan oo rumeysaan? Alle waa tixgeliye camalkii darti loo qabtaa, abaal gud fiican bixiya, Wax kasta Og.