>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 100

4:135 135. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo u taagan caddaaladda oo u marag fura Alle darti uun, nafahiinnaba lidkeed ha ahaatee ama waalidkiin ama qaraaboba, hadduu yahay hodan ama faqiir, Alle baa ka mudnaansho badan oo dantooda yaqaan. Ee ha raacina hawada nafta si aydaan uga iilan (Xaqa), haddaadse iilataan ama jeesataan [52], Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.

4:136 136. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Rumeeya Alle iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka (Qur’aanka) uu ku soo dejiyey Rasuulkiisa, iyo Kitaabka uu hore u soo dejiyey, qofkiise rumeyn diida Alle iyo Malaa’igtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa, iyo Maalinta Aakhiro, wuxuu lumay lumid aad u fog.

4:137 137. Kuwa rumeeya, haddana gaalooba, haddana rumeeya (mar kale), haddana (mar kale) gaalooba, markaas sii kororsada gaalnimo; Alle ma cafiyo, kumana hanuuniyo Jid (Toosan).

4:138 138. Ugu bishaaree munaafiqiinta inay leeyihiin cadaab xanuun badan.

4:139 139. Kuwa ka dhigta gaalada sokeeye [53] halkii mu’miniinta, ma waxay ka doonayaan ciso (iyo sharaf) xaggooda? Hubaal, Alle baa iska leh Ciso oo dhan.

4:140 140. Wuxuuna idiinkugu soo dejiyey Kitaabka in markaad maqashaan Aayadaha Alle oo la beeninayo ama lagu jeesjeesayo, ha la fadhiisannina iyaga, ilaa ay ka galaan hadal kale aan kaa aheyn, haddii kale waxaad noqoneysaan iyagoo kale. Hubaal Alle wuxuu ku soo kulmin munaafiqiinta iyo gaalada oo dhan Jahannama gudaheed.