Cabdullaahi Xasan Yacquub — 85
4:38 38. Iyo kuwa u bixiya maalkooda (sadaqo ay ugala jeedaan) istuska dadka, aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro. qofkii uu Sheydaan ku xiriiro; muxuu xiriir xun yeeshay.
4:39 39. Maxaana ka bi’i lahaa hadday rumeeyaan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo wax ka bixiyaan waxa uu Alle siiyey? Allena iyaga aad buu og yahay.
4:40 40. Hubaal, Alle ma dulmiyo 'dadka' wax saxar le’egba ha ahaatee, hadday wanaag falaanna, wuu labo laabaa, wuxuuna ka bixiyaa Xaggiisa Ajar Weyn.
4:41 41. Ee sidee (bay ahaan) markaan ka keenno ummad walba markhaati, oo aan ku keenno adiga (Nabiyow) si aad uga ahaato markhaati kuwan?
4:42 42. Maalintaas waxay jeclaan kuwa gaalooba oo caasiya Rasuulka in lala simo (liqo) dhulka, kamana qariyaan Alle waxna.
4:43 43. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Ha u dhowaannina salaadda idinkoo sarkhaansan [32] jeer aad u kastaan (si wanaagsan) waxaad ku hadleysaan, ama idinkoo janaaba qaba inaad jid gudbaysaan maahee jeer aad ka meyrataan (janaabada). Haddaad tihiin kuwo buka ama safar ah, ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro, ama aad taabateen haween [33], oo aydaan heli karin biyo, ku gagabeysta carro daahir ah, markaa ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Hubaal Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan.
4:44 44. Miyaadan u fiirsan kuwaa (Yuhuudda) laga siiyey qayb Kitaabka? Waxay iibsadaan habow, oo rabaan inaad ka luntaan Jidka Toosan (ee Islaamka).