>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 72

3:166 166. Waxa idinku dhacay maalintay labada col isku heleen (Uxud), waa Idanka Alle, iyo inuu muujiyo mu’miniinta.

3:167 167. Iyo inuu muujiyo munaafiqiinta oo lagu yidhi: Kaalaya, U dagaallama Arrinka Alle amaba difaaca nafahiinna. Waxay yidhaahdeen: Haddaanu naqaan dagaal, waa idin raaci lahayn. Waxay ahaayeen maalintaas, kuwa uga dhow gaalnimo iimaanka. Waxay ka yidhaahdaan afafkooda waxaan ku jirin quluubtooda. Allena wuu Og yahay waxay qarin.

3:168 168. Kuwa ka yidhi walaalahood iyagoo iyagu dib jiray: Hadday na maqli lahaayeen lama dileen. Dheh: Ka dhawra nafahiinna dhimashada, haddaad run sheegaysaan.

3:169 169. Ha moodina kuwa lagu dilay Arrinka Alle meyti, Mayee, way nool yihiin, oo Rabbigood agtiisa lagu arzaaqaa.

3:170 170. Iyagoo ku faraxsan waxa uu Alle ka siiyey Fadligiisa, oo u faraxsan dartood kuwa ay kaga soo tageen gadaashood, oo aan weli ku soo biirin [37], inaanay cabsi ahaaneyn dushooda oo aanay murugoonayaan.

3:171 171. Waxay ku faraxsan yihiin Nicmad xag Alle ah iyo Deeqdiisa darteed, iyo inaanu Alle dayaceyn ajarka mu’miniinta.

3:172 172. Kuwii (ku) ajiibay (Uxud) Alle iyo Rasuulka kaddib intuu soo gaaray dhaawacu; kuwooda ka mid ah ee sama falay oo amarka qaatay, waxay leeyihiin ajar weyn (Janno).

3:173 173. Kuwii ay dadku ku yidhaahdeen: Hubaal dadkii baa isu soo kiin biirsaday, ee ka baqa. Waxayse u kordhisay Iimaankoo- da, waxayna yidhaahdeen: Alle baa nagu filan, Isagaana u fiican wakiil.