Cabdullaahi Xasan Yacquub — 521
51:7 7. Waxaan kaloo (waa Alle'e) ku dhaartay samada quruxda iyo waddooyinka leh,
51:8 8. Waxaad idinku (dadow) kaga sugan tihiin (Nabiga iyo Qur’aanka) hadal kala duwan .
51:9 9. Waxaa laga duwaa (Qur’aanka iyo Nabiga) kan isaga iska duwa.
51:10 10. Nacladi ha ku dhacdo beenalayaasha mala awaalka badan.
51:11 11. Kuwa ku sugan guluf (colaadeed) ee iyagu maahsan (ka maahsan Aakhirada).
51:12 12. Waxay weydiin: Waa goorma Maalinta Abaal marintu (Jaazeyntu)?
51:13 13. Waa Maalinta Naarta lagu gubi.
51:14 14. Dhadhamiya cadaabkiinna. Kanu waa waxaad degdegsanayseen.
51:15 15. Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan beero iyo ilo (Janno).
51:16 16. Iyagoo qaadan waxa uu Rabbigood siiyey. Waxay ahaayeen horay sama falayaal.
51:17 17. Waxay seexan jireen habeenkii wax yar ma ahee [2].
51:18 18. Waqtiyada suxuurtana way denbi dhaaf weydiisanayeen,
51:19 19. Maalkooda waxaa ahaa qayb uu ku leeyahay weydiistaha iyo kaan wax heysan.
51:20 20. Dhulka waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa yaqiinsan.
51:21 21. Iyo nafahiinnaba, ee miyeydaan arkeyn.
51:22 22. Samada yuuna jiraa risiqiinna iyo waxa la idiin yaboohay.
51:23 23. Rabbiga samada iyo arlada yaan ku dhaarane, soo bixinta (Qiyaame iyo in risiqiinnu jiro samada) Xaq weeye, sidaad u hadashaanba.
51:24 24. Ma ku soo gaaray warka martidii Ibraahiim ee sharafta lahayd?
51:25 25. Markay u soo galeen oo yidhaahdeen: nabad ahow, wuxuu yidhi: nabad ahaada. (waxaad tihiin) qolo aan la garaneyn.
51:26 26. Markaasuu u laabtay dhinac xagga reerkiisii oo keenay dibi buuran oo shiilan.
51:27 27. Una soo dhoweeyey (isagoo ku leh): Miyeydaan cunayn?
51:28 28. (Waxbase ma ay cunin) markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha cabsan, waxayna ugu bishaareeyeen wiil aqoon leh (isxaaq).
51:29 29. Markaasay soo qaabishay marwadiisii iyadoo qaylyi, oo iska dharbaaxday wejiga iyadoo yaabban, oo tidhi: Ma habar ma dhasho ah oo duqowday (yaa wax dhali)!.
51:30 30. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Sidaasuu yidhi Rabbigaa. Waa Isaga Xakiimka, Wax kasta Ogsoon.