Cabdullaahi Xasan Yacquub — 49
2:283 283. Haddaad safar tihiin oo aydaan helin qore, markaa ha la qaato rahan (curaar damaanad ahaan), haddiise uu midkiin aamino midka kale, markaa waa inuu kan la aaminay u guto ammaanadiisa (si daacad ah) oo ha ka cabsado Alle, Rabbigi. Hana qarinnina marag furka, qofkii qariya, qalbigiisu waa denbiile. Alle waxaad fashaan wuu Og yahay.
2:284 284. Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo wax ku sugan arlada, haddaad muujisaan waxa ku jira nafahiinna ama aad qarisaan, Alle wuu idin ku xisaabin, markaas wuxuu u denbi dhaafi qofkuu doono, oo u cadaabi qofkuu doono. Alle wax walba wuu Karaa.
2:285 285. Rasuulku wuxuu rumeeyey waxa lagaga soo dejiyey Waxyi ahaan xagga Rabbigi, oo (waa sidaas) mu’miniintu. Waxay kulligood rumeeyeen Allaah, Malaa’igtiisa, Kutubtiisa iyo Rusushiisa; Ma kala soocno midkoodna ka mid ah Rusu- shiisa dhexdooda, waxayna yidhaahdaan: Waanu maqallayoo adeecnay. Rabbigayow! Denbi Dhaafiddaada (yaanu kaa baryi), waana Xaggaaga meel noqodka dambe.
2:286 286. Alle ma saaro nafna wax dhaafsiisan karaankeeda. Waxay leedahay (khayrka) waxay kasabtay, oo ka go’an tahay dusheeda waxay (denbi) kasabtay. Rabbigayow! Ha noo qaban haddii aanu illowno ama gefno (ula kac la’aan). Rabbigayow! Ha na saarin culays sidaad u saartay kuwii naga horreeyey. Rabbigayow! Ha na saarin wax tabar aanaan u lahayn qaadistooda. Oo na cafi, oo noo ceeb astur oo denbidhaaf, oo noo naxariiso [85]. Adigaa ah Gargaarahayaga na xafida, ee nooga gargaar qoloda gaalada ah [86].