Cabdullaahi Xasan Yacquub — 263
15:16 16. Waxaan dhab ahaan yeelnay samada xiddigo waaweyn iyo rugo ay maraan, Waxaana u qurxinnay daawadayaasha.
15:17 17. Waxaana ka ilaalinnay Shaydaan kastoo laga ceyrshay (Naxariista Alle).
15:18 18. Mid maahee xada mar wax uu maqlo, markaas la raaciyo danab muuqda.
15:19 19. Dhulka - waanu fidinnay, waxaanu ku sugnay buuro, waxaana ka soo bixinnay wax kastoo miisaaman.
15:20 20. Waxaana idiinka yeellay dhexdiisa asbaabta noolaanshaha idinka iyo midka kastoo aydaan idinku irsaaqin [7].
15:21 21. Ma jiro wax aannu Annagu (Alle ah) hayn khasnadahiisa. Kumana aan soo dejinno waxaan aheyn qaddar la yaqaan.
15:22 22. Waxaana soo dirnaa dabeylaha tallaala (daruuraha) markaasaan ka soo dejinnaa daruuraha biyo (roob), aan idinka waraa- binno, mana ahidin idinku kuwa kaydiya.
15:23 23. Xaqiiq, waa Annaga (Allaah) Kuwa wax nooleeya, waxna dhinsiiya [8], Annagaana ah dhaxlayaasha [9].
15:24 24. Waxaan ognahay kuwiinnii hore ee tegay, Waxaana ognahay kuwa dib ka iman.
15:25 25. Hubaal Rabbigaa waa soo wada kulmin iyagoo dhan. Waa Xakiim, wax kasta Og.
15:26 26. Waxaan ka abuurnay aadmiga dhoobo shanqarta, madow doorsoon ah.
15:27 27. Jinkana, Waxaan ka abuurnay awal hore dab ololaya [10].
15:28 28. (Xus, Nabiyow) markuu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan ka abuurayaa qof (Aadam) dhoobo shanqarta oo madow doorsoon ah.
15:29 29. Ee markaan sameeyo isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxda aan ugu tala galay [11] ula dhaca sujuud.
15:30 30. Markaasay malaa’igtii sujuudeen kulligoodba iyagoo dhan.
15:31 31. Ibliis [12] maahee (ma yeelin): waa uu diiday inuu ka mid ahaado kuwa sujuuday [13].