>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 430

34:15 15. Waxaa ugu sugnaa (reer) Saba’ calaamad degaankoodii: labo Beerood ka xiga xagga midig iyo xagga bidix. (Waxaana lagu yidhi), "Cuna risiqa Rabbigiin oo ku mahdiya. Beled wanaagsan iyo Rabbi Denbi Dhaaf Badan.

34:16 16. Wayse ka jeesadeen 'xaqa' markaasaan ku soo dirnay Daad Weyn [7], oo ugu beddelnay halkii labadoodii beerood labo beerood oo soo saara midho xun oo qadhaadh iyo qoryo, iyo wax yaroo geedo gob ah.

34:17 17. Sidaasaan ku abaal marinnay gaal- nimadoodii darteed; miyaan (sidaasoo kale) u abaal marinnaa waxaan aheyn kuwa abaal dhaca badan?

34:18 18. Waxaana yeellay dhexdooda Iyaga iyo magaalooyinkii aan barakaynnay magaalooyin (kale) ee muuqda [8], waxaana qaddarnay socodkooda halkaa [9], (Annagoo ku nidhi): Ku socdaala habeenno iyo maalmoba idinkoo nabad ah".

34:19 19. Waxayse yidhaahdeen, "Rabbigayow! Kala fogee safarka dhexdayada ah [10]," oo dulmiyeen nafahooda, markaasaan ka dhignay wax lagu sheekeysto, oo kala goynay kala goyn dhan. Hubaal (arrin)kaasi waxaa ugu sugan calaamooyin mid kastoo samir badanoo, mahad naq badan [11].

34:20 20. Waxaa dhab ahaan ku rumoobay Ibliis malihiisii [12], wayna raaceen [13], koox ka mid ah mu'miniinta mooyee.

34:21 21. Kuma laha (Ibliis) wax awood ah dushooda [14], wax kalena uma aan yeelin sidaa (oo uguma salladin dadka) aan aheyn inay kala caddaato kan rumeyn Aakhirada iyo kan ka shakin. Rabbigaa waa Xafidaha wax kasta (abaal marinna qof walba).

34:22 22. Dheh: U yeedha kuwa aad sheegtaan (inay ilaahyo yihiin) Alle sokadi, kuma hantaan wax saxar le’eg (ama qudhaanjo yar) samooyinka ama arlada, kumana laha wax shirko (la wadaagid ah) dhexdooda midna, kumana laha (Alle) uunkiisa wax garab siiya (ugamana baahna).