Cabdullaahi Xasan Yacquub — 39
2:238 238. Dhowra (ilaaliya) salaadaha iyo salaadda dhexe [69] una istaaga (salaadda) dar Alle idinkoo si run ah u adeecsan.
2:239 239. Haddaad ka cabsataan (cadow, markaa tukada) idinkoo lug ku socda ama fuushan gaadiid. Markase aad nabad tihiin, markaa (ku) xusa Alle (salaadda) siduu idiin baray waxaydaan aqoonin (u tukada sida caadiga ah).
2:240 240. Kuwa dhinta ee idinka mid ah oo ka taga xaasas gadaashood, waa inay u dardaarmaan xaasaskooda masruuf sannad ah iyo guri ay degaan oo aan laga saareyn [70], haddayse iskood u baxaan, ma jiro wax eed ah oo idin saaran waxay ku falaan nafahooda oo gar ah. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
2:241 241. Haweenka la furona (waa in la siiyo) sahay la yaqaan. Kani waa xil saaran kuwa Alle ka cabsada ee dhowra (Amarradiisa).
2:242 242. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadahiisa, si aad u fahantaan.
2:243 243. Miyaadan ogaan (qisada) kuwii (reer Israa'iil) ee ka soo baxay guryahoodii (ku yiil Masar) iyagoo kumanyaal ah iyagoo ka baqaya geeri (oo diiddan jihaadka)? Markaasuu Alle ku yidhi: U Dhinta (silic iyo saxariir), oo nooleeyey (waa facii ka dambeeyey tiiha, markay oggoladeen jihaadka). Alle waa u Roon yahay dadka, dadkuse badankiisu ma mahad naqaan.
2:244 244. Ku dagaallama Jidka Alle, oo ogaada inuu Alle yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
2:245 245. Kee baa amaahin Alle amaah wanaagsan (sadaqo la bixi ama siin deyn qof baahan kor saar la'aan) uu u labo laabaa labo laab badan? Alle wuu (ku) cidhidhiiyaa (risiqa cidduu doono) ama u ballaariyaa. Xaggiisaana la idiin soo celin.