>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 369

26:40 40. Inaan raacno sixiroolayasha hadday adkaadaan.

26:41 41. Markay yimaadeen sixiroolayaashii, waxay ku yidhaahdeen Fircoon: “Ma leennahay abaalgud haddaan innagu adkaanno?

26:42 42. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haah, idinkuna markaas waxaad ka mid ahaaneysaan kuwa ii dhow.

26:43 43. Muuse wuxuu ku yidhi: Tuura waxaad idinku tuuraysaan.

26:44 44. Markaasay tuureen xargahoodii iyo ulahoodii oo yidhaahdeen: “Waa nagu sharafta Fircoone, innagaa adkaan".

26:45 45. Markaasuu tuuray Muuse ushiisii, mise waxay guratay oo liqliqday waxay been maleegeen.

26:46 46. Sixiroolayaashiina dhulkay la dhaceen sujuud.

26:47 47. Waxay yidhaahdeen: Waxaynu rumeynay Rabbiga uumanka.

26:48 48. Rabbiga Muuse iyo Haaruun.

26:49 49. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyseen (Muuse) ka hor intaan idiin idmin; waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka, waadse ogaan dontaan, waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf waana idin daldali dhammaan.

26:50 50. Waxay yidhaahdeen: Dhib ma laha; Innagu Xagga Rabigayo baan u noqon.

26:51 51. Waxaanu rajayneynaa inuu Rabbigayo noo dhaafo gefefkayaga, inaanu nahay kuwa u hor rumeeeyey (Xaqa).

26:52 52. Waxaanu u waxyoonnay Muuse Annagoo leh: “La bax Addoomahayga idinkoo ku baxaya guuro habeennimo, waa la idiin soo raaciye.

26:53 53. Markaasuu Fircoon u diray magaaloo- yinka kuwo soo kulmiya (askartiisii).

26:54 54. (Isagoo leh) xaqiiq kuwani wax koox yar,

26:55 55. Wayna na cadho geliyeen runtii;

26:56 56. Waxaanu nahay xaqiiq kuwo had iyo jeer digtoon.

26:57 57. Markaasaan ka saarnay beero iyo ilo.

26:58 58. Iyo maaliyad iyo meeqaan wanaagsan.

26:59 59. Waa sidaase, waxaan dhaxalsiinnay reer Israa’iil.

26:60 60. Markaasay (Fircoon iyo askartiisii) soo raacdeysteen goor qorrax soo bax ah.