Cabdullaahi Xasan Yacquub — 21
2:135 135. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Noqda Yuhuud ama Nasaaro, waad hanuuni. Dheh: Mayee, (waxaanu raaceynaa) diintii Ibraahiim (Islaamka), toosnahii, kamana aanu mid aheyn mushrikiinta.
2:136 136. Dhaha: Waxaanu rumeynay Alle iyo waxa nalagu soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii firkiisa ahaa, iyo wixii la siiyey Muuse iyo Ciise, iyo wixii laga siiyey Nabiyada xagga Rabbigood. Ma kala sooceynona axad ka mid ah (Rususha), oo (Alle) baan u hoggaansannahay.
2:137 137. Hadday rumeeyaan waxaad rumeysan tihiin oo kale, waa kuwo hanuunsan, haddiise ay jeestaan waxay uun ku sugan yihiiin gaalnimo iyo khilaaf. Alle baana kaaga filnaan doona. Waana Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
2:138 138. Qaata Aslidda (diinta) Alle, yaa ka wanaagsan Alle aslid (diin) ahaan. Isagoo (Keliya) baanu caabudnaa.
2:139 139. Dheh: Ma waxaad nagala doodeysaan arrinka Alle Isagoo ah Rabbigayo iyo Rabbigiin? Waxaanu leennahay acmaashayada, idinkuna waxaad leedihiin acmaashiinna. Innaguna Isagaan daacad u nahay oo u Keli yeelnaa cibaadada.
2:140 140. Mise waxaad leedihiin in Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii ahaa firkiisa ahaayeen Yuhuud ama Nasaaro? Dheh: Ma idinkaa ogsoon mise Alle? Yaa ka dulmi badan kan qariya marag uu ka heysto xagga Alle? Alle ma mooga waxaad fashaan.
2:141 141. Taasi waa ummad tagtay. Waxay leedahay (abaalka) waxay kasabtay, idinkuna waxaad leedihiin waxaad kasbataan. Ma la idin weydiinayona inaad ka jawaab bixisaan waxay camal falayeen.