>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 13

2:84 84. (Oo xusuusta) markaan idinla gallay ballan (leh): Ha daadinnina dhiiggiinna (midkiinba midka kale), hana iska qixinnina guryahiinna, markaasaad qirteen idinkaana marag ka ah.

2:85 85. Haddana, waa isla idinka kuwa is-dila oo ka qixiya qaar idinka mid ah guryahooda, idinkoo isugu kaalmeyn denbi iyo colaad. Hadday idiin yimaadaanse iyagoo qafaal ah oo xidhan, waad madax furataan, iyadoo qixintooda ay xaaraan idinka ahayd. Ee ma waxaad rumeyney- saan qaar ka mid ah Kitaabka oo diidey- saan in kale oo ka mid ah [18]? Muxuu yahay abaalka kuwa idinka mid ah ee sidaa sameeya (rumeeya Kitaabka qaar, diidana qaar) aan aheyn dulli nolosha adduunkan ah; Maalinta Qiyaamana waxaa loo celin cadaab tan ugu daran. Alle ma mooga waxaad falaysaan.

2:86 86. Kuwaasi waa kuwa gatay nolosha adduunkan halkii Aakhirada, sidaas awgeed cadaabka lagama khafiifiyo loomana gargaaro.

2:87 87. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda), waxaana soo dirnay Rusul isaga kaddib midba mid kale xigsaday. Oo Waxaanu siinnay Ciise ina Maryam xujooyin cad oo ku xoojinnay Ruuxa daahirka (Jabriil). Ee ma mar walba uu Rasuul idiinla yimaado waxaanay nafahiiinnu rabin, miyaad is kibrisaan markaas qaar beenisaan, qaarna disheen.

2:88 88. Waxay (Yuhuuddu) yidhaahdeen: Quluubtayadu waa qufulan yihiin. Mayee, Alle baa ku nacladay gaalnimadooda darteed, marka waa wax yar intay rumeeyaan.