Cabdullaahi Xasan Yacquub — 1
1:1 1. Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista badan.
1:2 2. Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
1:3 3. Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista Badan [1].
1:4 4. Boqorka Maalinta Jaazeynta [2].
1:5 5. Adigoo Keliya baynu (Allow) ku caabudi, oo Adigoo Keliya baynu ku weydiisan kaalmo.
1:6 6. Nagu hanuuni (oo sug) Jidka Toosan.
1:7 7. Jidka kuwa aad u Nicmaysay [3], aan aheyn (jidka) kuwa loo cadhooday [4] iyo (jidka) kuwa lunsan midna [5].